Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Diyaar Garowga Ayaa Ka Fiican Dudniinka,
Diyaar Garowga Ayaa Ka Fiican Dudniinka,

Shirkii uu qabsoomi waayey, sababtoo ah wefdiga ka socda Soomaaliya waxa ku jirey dad heyb ahaan ka soo jeeda Somaliland. Wefdiga Soomaalilandna taas wuxu u arkey carqalad iyo inaaney reer Soomaaliya ka dhab aheyn wada hadaladu. Go’aan ku haboonaa ayuu qaatey wafdiga Somaliland, waa marka laga eego sida dantu ku jirtay.
Sax iyo qalad qofba sida uu doono ha u fasirto, balse, inaanu shirku qabsoomin waxa mas’uul ka ahaa wafdiga Soomaaliland, waayo iyaga ayaa diidey iney qolada kale hor fadhiistan, sababtaa an soo sheegney awgeed. Dinaca kale marka laga eego, dhinaca Somaliland ayay wax ka qaldameen, waayo waxa ay meesha la yimaadeen shuruud aan lagu sii heshiin oo aan la isla sii gogol xaadhin. Ciyaartu kol haddey bilaabanto oo laba kooxood iska hor yimaadaan oo garoonka la soo galo, kuma doodi kartid kooxda kale ha soo bedesho ciyaartooyga, waayo hore loogama sii heshiin lagamana wada hadal.
Ka warran haddey wefdiga Soomaaliya yidhaahdaan waanu soo bedeleynaa xubnaha la isku heysto oo waxaanu ku bedelayna xubno sooc ah oo ka soo jeeda Soomaaliya ee raali maka tihiin wafdigiina Soomaalilanow? Waxay u dhowdahay in jawaabtu haa noqoto. Ka warran haddii wafdiga Soomaaliya lagu soo daro General Morgan oo uu miiska soo fadhiisto? Waxa hubaal ah in wefdiga Soomaaliland ka socda ay miiska ka kacayaan oo ay diidayaan iney hor fadhiistan dhinaca kale.
Ka soo qaad in General Morgan laga saaro shirkaa, balse uu wefdiga Soomaliya ku dodo iney yihiin dawladda sharciga ah ee ka jirta carigii Soomaali la odhan jirey, ay yihiina dawlad aduunku aqoonsanyahay sidaa darteedna ay ku doodaan iney ku hadlayaan afka shacabka min lowyacaddo ilaa Raaskaambooni, kuna sii dooda in wefdiga Soomaaliland uu yahay wefdi ka socda gobol Soomaliya ah oo wax tabanaya. Waxa hubaal ah in wefdiga Soomaliland shirka ka baxayo oo uu diidayo arinkaas.
Marka la hordhigo arinkan qof aan labada dhan midna aheyn, waxa uu u arkayaa iney Somaaliland tahay GARDOON iyo GARDIID isku jira. Waxa dhinaca kale yeelayo adiga lagaala tashan maayo haddii aaney ku jirin heshiis hore oo aan meel la isla sii dhigin. Soomaaliland haddii ay soo hor fadhiistan wafdi wada dumar ah iyo haddii ay soo fadhiistan wefdi isku hal qabiil ah oo Soomaaliya ka socda, xaq uuma laha iney tidhaa wefdigiina naga soo bedela, waayo wefdigani iyaga ma matelo uumana taalo cida ay noqonayaan, ileyn xeer kamey sii dhigane. Waxay aheyd in arimaha carqalada noqon kara oo dhan hore looga sii heshiiyo intaan shirarba bilaabman. 
Arimaha an soo sheegey iyo kuwa kale ee la midka ah waxa lagaga hortegi karaa iyada oo la sameeyo diyaargarow wanaagsan iyo heshiis cad oo labada dhan isla qaataan intaan shriba la isla fadhiisan. Qiyaastii saddex sanadood ka hor markii ay wafdigii Soomaaliland ee u horeeyey u ambabaxayeen dalka Turkiga oo ay kula shirayeen wefdigii Soomaaliya ka socdey ayaa waxa igu soo dhacdey bal in labada dhan ay ku sii heshiiyeen “aadaabta” wada hadalka ama gogolxaadhka wada hadalka oo ah arinta uugu muhiimsan ee laba dhinac oo is haya ay ku sii heshiiyaan intaaney wada hadalba bilaabin. Waxan islaha koley waa dad aqoon iyo garashaba leh oo waa laga sii gaashaantey. Sidaasooy tahay waxa an xiligaa diyaariyey qodobada an islahaa waxa ay ka mid noqon karaan “Edebta wada hadalka” ee lagu sii heshiiyey. Waxa kaloon is idhi haddiiba ay dhacdo oo aaney arintaasi laga sii wadahadal, bal iskaga sii dir dad wefdiga ka ag dhawaa oo an islahaa wey la wadaagi. Waxa kaloon ku soo qorey warbaahinta oon is idhi bilaayo wefdiga qaar ka tirsani meelahaa ka akhriyaane bal ku qor.Sideedaba siyaasad hadaad maqasho, maaha waxa jooga ee waa waxa soo socda. Waxa jooga hdaad ku mashquusho waa lagaa dhex toosey. Hadaanad waxa sanad iyo 5 sanadood iyo 10 sanadood oo socda garan oonad ka sii gaashaaman, ogow waa lagaa dul guurayaaye.Waa kan qoraalkii an berigaa diyaariyey. Ilduufkii maalintaa dhacay, maantuu saameyyey shirkii Istanbuul ee asbuucan loo balansanaa. QORAALKEYGII XILIGAASI SIDAN AYUU U QORNAA“Wada hadal kasta oo dawlado wada yeelanayaan wax ka sii horeeya wada hadalo gogol xaadh ah oo lagu sii lafa gurayo laguna sii diyaarinayo agendaha shirka weyn. Agendaha ka sakow waxa laga sii wada hadlaa mabaadiida aasaasiga ah ee wada hadalka danbe salka u ahaan doonta. Heshiiska gogol xaadhka ah maaha khasab in la iclaamiyo ama warbaahinta laga sii daayo ee si qarsoon ayaa looga wada hadli karaa si haddii la isku afgaran waayo aaney u noqon arrin warbaahin ay la booddo oo fashili karta in wada hadaladu sii socdaan. Heshiis gogol xaadh ah waxa ka mid noqon kara qodobadan soo socda:
In labada dhinac ay shirka la yimaadaan niyad-sami, ixtiraam iyo xushmo. Dhinacna waa inaanu la iman cadho, cunfi iyo cagajugleyn uu u geysanayo dhinaca kale.
In labada dhinaca ay ku heshiis yihiin iney shirka u siman yihiin oo aan dhinacna dhinaca kale hoos u dhigin ama aanu u waajihin hab nuqsaani ku jirto.
 In tirada dadka ka qeybgeliya wada hadalku isleegtahay.
In dadka wada hadalka ka soo qeyb gelaya aaney ku jirin danbiilayaal dagaal, dad naceyb lagu sifeeyo iyo dad laga biqi karo iney carqalad dhaliyaan. 
In labada dhinac isu ictiraafaan in mid kastaaba uu wakiil buuxda ka yahay dadka iyo deegaanka uu ka socdo.
In labada dhinaca midkoodna aanu wada hadalka ku soo darin dad ka tirsan dhinaca kale oo heyb ahaan iyo deegaan ahaan ka soo jeeda dhinaca kale.
In dhinacna aan ku kicin wax borobagaanda ah ama tashuush ah oo uu ku khalkhalinayo dhinaca kale.
In laba dhinac midkoodna aanu soo dhiirigelin, hubeyn ama aanu ogolaan koox, urur ama shaksiyaad iney dhibaato, aflagaado ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah dhinaca kale ka saameeyaan dhulka ay maamulkiisa sheegtaan.
In wixii la isku afgaran waayo dib loo dhigo oo aan la sii adkeyn si fursad loogu helo in wada hadalku sii socod.
In wixii aad u adkaada ee ay u muuqato in labada dhan aaney inku mari karin ay tahay in ay dib uugula noqdaan golayaashooda xeerdejinta, dawladohooda iyo ugu danbeyn dadweynahooda.Qodobadaasi iyo kuwa kaloo oo lagu sii daraaba waa iney noqdaan heshiis labada dhinac kala saxeexdaan inta aan agende iyo wada hadal la iskugu iman.
Arimaha noocaas ah ayaa hagaya wada hadalka oo noqonaya xeerka la raacayo. Haddii kale waxa ay u eekaaneysaa laba kooxood o garoon iskugu yimid oo kooxina ay isu soo diyaarisey Kubadda cagta, kooxina kubadda koleyga, waayo waad ciyaareysaan mooyee, lavada kooxood midna looma sheegin xeerka lagu ciyaarayo.


Bile – Aqoonta U Adeegta Noloshaqorane.bile@gmail.com

· Posted by ifraax on March 05 2015 1280 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired