Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Kibir waa gabay dheeg.
Kibir waa gabay dheeg.

Gabaygan kibir la baxay waa gabay dheeg aan ka soo dheegtay gabaygii alle haw naxariistee darwiishkii ismaaciil mire waxaanan kaga hadlayey halgankii ka dib sidii ay yeeleen rag badan oo siyaasiin iyo kornaylo ahaa oo ay taladii dadku ay iyaga gacantooda ay ku jirtay iyo siday ku haboonayd in lala xisaabtamo waajibkoodana la mariyo markiise taa la waayey nin walibana oo reer hoosta ka galay in noocan looga faaloodaa waa muhiim waxaanse qabaa in taageerayaashoodii beeluhu ay dhibsan doonaan,waana kan


 

  1. Keligaa adaa talin karuu kaahin ciirsadaye
  2. Kashiisaba ma gelin Yoonisbaa koodhka kaa heliye
  3. Kama'iisu waxa uu ka riday kal iyo buur dhaabe
  4. Waataa colaaduu katibaydhibay karkeediiye
  5. Iminkuu kadeedkii ku xidhay kaawo aan go'ine
  6. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  7. Iyadoo karaar qaadatoo kaaha la ifaysa
  8. Oo uu kartoon iyo anfoco keenay badi yaare
  9. Laga helay korsocod iyo cashuur amase keer dhuuni
  10. Dhegawayne kaydkuu heliyo kawlki badi saydhye
  11. Kadbo aadyar isagoon is odhan buu dhanxiir koraye
  12. Waakaa kornaylkii qaldamay keeb la yuurura e
  13. Iminkuu kediga merayaa koranki waalnaaye
  14. Waa kolanyo nimankii arlada kuruska waynaaye
  15. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  16. Ninkaan kadabsan ciidiisa iyo calanka koonkiisa
  17. Ee kani mid maahiyo kobtani waa cidluun bu'aya
  18. Ee dowlad kaamila ma aha ugu kalaamaaya
  19. Kub ka duule keysow bulshadu waa ay karahdaaye
  20. Kufkaa Gaal ayaa Eebahay kebed ku awdaaye
  21. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  22. Koox ururtay kii shalayto hagay maanta karahooda
  23. Kunba edeg ardaa iyo kungoys inuu ku soo awdo
  24. Uu kala dilaa may ekayn kaamam wada yaale
  25. Siilaanyo waa uu kadibay gubayna kaadhkiise
  26. Korjoogii wuxuu doorkan galay kaabe reer hebele
  27. Hayeeshee wixii uu kasbaday waa la kulan siine
  28. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  29. Kunka waayo arag ee colaad kow isaga siiyey
  30. Kasi waaye ina biixigaa kadaya dhuuxoode
  31. Sidii awr la kooreeyey bay daba kashleeyeene
  32. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa ha la ogaado
  33. Kinsi buu ahaa faarax nuur kaalintuu galaye
  34. Kobii uu fadhiyey bay taladu kooras ku ahayde
  35. Isu keen wuxuu gabay tirshaba gacalna soo koobye
  36. Waxse gabay kalkiisii markay guray kor saareene
  37. Kaartaa lagu tuhmaayiyo garaad ama kornayl wayne
  38. Kaakaca ayuu yidhi ragii badina kooreeye
  39. Kumanaan halyay baa dartii aakhirow kacaye
  40. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  41. Kacaankii afwaynaba ragii kaalin jiray moorgan
  42. Carte iyo kun jirow baan ogaa waase kala haabe
  43. Kursi doonku waakaa hodiyo taliski kaaraane
  44. Haduu kadabso somaliland uu kabta u yeesho
  45. Kiis qaranka kama uu galeen lagu kur gooyaaye
  46. Waxse kaabay waa looyarkaan keenin qodobkiise
  47. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  48. Kaamilkoodhka maantuu ahaa dunidan oo kowa
  49. Ee qoriga kaaraha la baray bii em kiyo lowga
  50. Liishaanka kore iyo markii xagasha loo koobay
  51. Kabtan carab inuu cadow jabshuu kooraskow galaye
  52. Kola lagama filin inuu bulshada kaabigow dhigo e 
  53. Wax kabaday kadeedkiyo dhib iyo qax iyo kuur kuursi
  54. Maatadii hadaad kabanaysaan uu kaskeed galaye
  55. Isna kadab go'iisaa u dhigan kaadan dabadeede
  56. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  57. Nin kuhaama shilke wiilka kora kurayga liishaama
  58. Nin karhaaya kaariyo baroon kooxo ku hubaysan
  59. Oo aan dhashiikuhu kadibin suugu kabashlaynin
  60. Mid kormeera janan kaarto dhiga wiilal kadab gooya
  61. Oday keena kiish iyo rasaas koromo loo loogo
  62. Dhakhtar kabaya talis wada kamilan oon kobtaba joogin
  63. Siyaasigan kelifay ee kobcee kadaya ruuxdiisa
  64. Ee ay kildhiga madaxa iyo ay kurtow gelisay
  65. Ku kastoo kabtida nabada iyo samaha koor gooya
  66. Munaafaqad nin koolkooliyiyo nacaska soo kiila
  67. Kadabkii inuu go'ay horay kaafka ugu tiile
  68. Darse kuwaa ka daran baa jiriyo dhawr karbaashyo leh
  69. Oo intay kibren oo kibreen oo macashu koorowday
  70. Yaa weliba kasgaab li'i hadana loo kitaab dayaye
  71. Waa kuwaa miriyo kaabulkii koondharka ahaaye
  72. Waana loo katibay inaan dirkaa kimis u laabnayne
  73. Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado
  74. Kaabaduu qotomiyiyo xornimo calankan kii taagay
  75. Kalgacalkii dadwaynaha hadii goosashadu keentay
  76. Keli talisba waa wixii siyaad saaray kaaraha e
  77. Kama ii qabiilkuna wakaa geeyey kiiniya e
  78. Iyadoon heshiis lagu kamilin kiisna lagu qaydan
  79. Ku tagiyo ku joogaba xisaab laysu kumi taaban
  80. Inuu kaalo tuur noo baxshoo kadab na dhaafsiisto
  81. Kadeedkiyo dhibkeedii haduu kuududaa xamare
  82. Kasxumaanta waa lagu jabaa ee kaa hala ogaado
  83. Kii ugu sareeyiyo kobtii taladu ay joogtay
  84. Tuutaha kolkuu soo xidhiyo koodhka iyo shaadhka
  85. Ee uu colaadii katibay uu kulmiyey beesha
  86. Kolkay curatay baaruudu ee keebka lagu boobay
  87. Koofiyadii ceebaha sidaa la kuftay xeerkeede
  88. Ruux waliba kobtuu dhigay xiligu wuu kamilayaaye
  89. Kas xumaanta waa lagu jabaa ee kaa hala ogaado

 

· Posted by abdi on June 11 2015 1205 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>