Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » XOOG CADILAN IYO AQOON XAKAMAYSAN
XOOG CADILAN IYO AQOON XAKAMAYSAN

Taariikhdu waa tabiyaha dhacdooyinkii hore waana dhaxal haboon wixii umad la qalibay iyo qaladkii laga galay mid waliba ku qoran tahay, ana waxaanan qarinayn habqadhaabsiga cusubee leexiyahay hadafkii umada lagu dhiqi lahaa, muraayado qalafsanbaa dhamaan inoo wada xidhan waxaa dadkana kasii nool xoog cadilan iyo aqoon xakamaysan oo xuduud lama dhaafaana loo dhigay,maalmuhu magacyo ayay igu dhaafaan waxaanan maalinba iikordhaa dhaqano aanan garanayn ,aan u dhaadhaco dulucda qoraalkayga
Ilaahay wuxuu ina siiyay maskax maskaxdanina aadbay u yartahay miisaan ahaan marka loo eego  jidhkeenana waxaana lagu qiyaasaa maskaxdan yar 2.5 miisaanka jidhka oo dhiganta 1330 gram waa ilaa kiiloo maskaxdani miisaanka yar lihi waxay isticmaashaa waxaad oxygen oo dhan dib u jiidato rubuc ka mid ah maskaxdaa isticmaasha waxaa la yidhaahdaa 22 decimeter oo square ah oo maskaxda biniaadanka ah kamid ahi waxa ay qaadi kartaa 20 milyan oo buug inta ku qoran,hadaba inagu waxaynu ka dhiganay in awooda inta leeg cadilno oo aanay waxba qabanin
Anigoo ku gudo jira cilmi baadhis kooban oo aan rabay inaan helo raadadka isbadaladda dabeecadaha bulshadeena (social behavior)ayaa waxaan rayi ururin ku baahiyay asxaabtayda iyo qoyskayga ku kala nool daafaha aduunka.
Maadaama xalkii caqabadaha nolosheena lasoo darsaa ay ubateen in dawadii loo mari lahaa noqoto 1 wado kaliya wadadaasina lagu waayo xuluul ku haboon ayaa waxaynu wajahnaa  xaalad adag oo sax iyo khaladkaba lagu kala qaybsamo waxaa suaashan dhexdhigay aqoonyahano ay  asxaabnimadu naga dhaxayso 
Sideed ku naqi lahayd gar aan lagu dhiiban ama aanad xaqba u lahayn inaaq ka gar naqdo?
Isusocodka bulshadeene & isdhexgalka tirade dad maxay dhaqan ahaan raacaan oo marjac u ah ?
Dhaqamada cusub miyaynu iska aqbalnaa mise waynu kala hufnaa?
Waxaa su aashaa weydiinteeda ugu horeeyay
Sxpkay Cumar oo ka mid ah Bahda maamulka alpha university waxaanu ku bilaabay hadalka “magaalada Hargeisa badhtankeeda waxaa isku jiidhay 2 gaadhi waxaana halkaa ku dagaalamay 2 nin ku darsoo 2 nin way lugaynayaa oo maaha 2nin ee baabuurta isjiidhay lahaa waxaa dagaalkaas keenay waa xukunka gar aan loo dirsan oo ukala safteen 2dii dhibane ee gawaadhida lahaa “ qisadani waxay si dhab ah utaabanaysaa in dhaqan ahaan wax wayni khaldan yahay sababta keentay in si fudud gacanta la isku saara waa xagii abwaan gaariye lahaa “ dawga aada Boorama kuma geeyo daafeed”, waa talo xumo ka dhalatay dhaqanadda cusub iyo waayaha nololeed ee bulshadeena ku xeeran
Nuxurka1aad ”koriinka ubadka iyo dhismaha garaadkooda waxay la koraan oo qayb wayn ka qaataan astaanta qofnimo ee mustaqbalkiisa waxaana lagu sixi karaa manhajka suuban ee diinteena iyo kobcinta garaadka si loo helo caqliyad halbeegeedu aad usareeyo sidoo kale tababaran”
Nuxurka2aad  “damiirka wanaagsan waxaa dhisa deegaanka ku xeeran dabcigiisa iyo yoolka haldoorka aqoonyahanka iyo siyaasiguba leeyihiin waa in sharciyada loo hogaansanaado kana qayb noqoto dhismaha tarbiyaynta qofka iyo bulshadu noqoto hal qoys oo isuwada xidhan
Nuxurka 3aad “waxaa bulshadeena ku dhacay (identity crisis) ama khalkhal qofnimo maadaama dadkeenu ahaayeen reer miyi oo noloshoodu ku dhisnayd xoog iyo boob oo geesigu ku suntanaa inuu wax boobo,diriro ayaa noloshii magaalada aynu soo galnay lamanaynaan jaanqaadin, isbadalkii labadaas dhaqan waana ka mid jahwareerka maanta ,
Sidoo kale burburkii dagaal ee dawladii soomaliyeed ee burburtay ayaa saamayn wayn iyo raadba kaga tagay bulshada waxaana abuurmay nolol kali macaash ah naxariis iyo damqashaduna ku yartahay.













W/q: Ahmedyasin Sh cumar Sh Ahmed FurreWacyigalinta oo dhamaan bulshadu qayb ka wada noqotoHadafka nolosha iyo hammiga sarre in garaadka ubadka laga dhisoMasuuliyada oo la isku cadaadiyo si qofwaliba doorkiisa u qaato In la jiheeyo oo la baro ubadka  jacayka,wadaniyada iyo wadajirkabaIn la saxo barbaarinta ubadka iyo manhajka qoys muslimka ahTalooyinkani waa dawo unoqon kara dhaqanka bulshadeena Qaabka garta loo dhigi jiray iyo xeerbeegtidii garta naqi jiray waxay lahaayeen xirfad ku dhisan aqoon iyo dhaqan waxaanay garta udhigi jireen mid caqli iyo garasho sare ku suntan laakiin maanta nin waliba waxbuu gaar u rabaa siduu ku heli lahaana faiido/faaiido daraba hanoqoteee jarkuu doono ayuu ka ridayaa waa fariin dhaxal ah oo dhaqana aynu ka dhiganay siyaasi & oday dhaqameedba Waxaa isasoo gaadhay dumarnimadii iyo raganimadii oo raganimadii hoos usoo dhaadhacda iyo dumarkii oo dhinicii raga usii ruqaansatay Gayaankaabaa fadhiya Go-dooy gaagaabso hadalka Dhaqamada cusub waxaa ka mid in bulshada kaalintii ugu qaalisanayd ee dumarku oo darajada gabadha muslimka ah ay hoos u raqiisayso sheekooyinka maanta la isla dhexmaro waad la yaabaysaa saacadu markay tahay 12 habeenimo ayaa gabadh xurmo leh oo qoys wanaagsan ka dhalatay Facebookga kusoo qoraysaa caawa Royal launchbay ka shidan tahay oo maxaa saqdaa dhexe inanta meesha shidan dhigay sawtii gabdhaheenii hore loogu buraanburi jiray Dhaqamada cusub waxay salka ku hayaan waayaha nolosha ee bulshadeena waxaa caada inoo noqotay in xooga cadillan loo cadaadiyo kii rarnaa oo wuxuu sidii ilmaha afka ugu guraa xooga cadilin ee aan cidba waligeed waxba udirsan wuxuu kii rarnaa cidhiidhi galiyay siduu kan cadilan uu qaadkiisii iyo quudkiisaba si xarago leh gacanta ugu dhiibi lahaa balse waxay ahayd in xooga cadillan lagu cadaadiyo sidii uu masuuliyadiisa u qaadan lahaa Dhaqamadda cusub iyo saamayntoodaba

· Posted by ifraax on August 13 2016 1502 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>