Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Sixirka iyo Falka oo farabaas ku haya Somaliland siiba reer Hargaysa iyo reer Burco
Sixirka iyo Falka oo farabaas ku haya Somaliland siiba reer Hargaysa iyo reer Burco

Waxa muddooyinkii u danbeeyay dhibta ugu badan ee dadku

ka cabanayaan ee hadal haynteedu badatay ay noqotay ficilka
SIXIRKA iyo FALKA ama QATAARKA  oo dad aad iyo aad u
badan dhibaatooyin noocyo badan isugu jira gaadhsiiyay ilaa
uu dad badan iskaba raaciyay oo ka qaaday cuud,caa,ilad iyo
caafimaadkoodiiba , waxaa hadda lasoo xaqiijinayaa in
Burco iyo Hargaysa oo qudha uu ku sixray ninka saaxirka ah
ee somaliland caanka ka ah ee lagu magacaabo Saaxir
" LAANGADHE " dad kabadan 100,000 , dadkaasoo intooda
badani ay tahay dumar iyo dadkii dadka ka dhaqaaqayey
ee ummadda anfacayey dhinac kasta haddii loo eego
waxaana hadda dhaboobay ,dadka intiisii badnaydna ogaadeen
inuu xaqiiq ahaa 100 kii maqaal ee sixirka iyo saaxiriinta 
dalkii iyo dadkii baabi,iyay laga qoray dhowaan ee warbaahinta
lagu shaaciyay ee ciwaanadoodu ahaayeen
-------------------------------------------------------------------------------
SIXIRKA ama FALKA  iyo QATAARKA OO NOQDAY DHIBTA
U WAYN EE BURCO IYO DALKA AAFAYSAY 100 MAQAAL
OO KASHIFAY XOGO DAHSOONAA q.1aad-100aad !!!!!!!!.
------------------------------------------------------------------------------
100 kaa maqaal oo aan waxba lagu dhaafin oo dad aad u
xog ogaala oo baadhitaan dheer sameeyey ay kashifeen
sida in ay jiraan sixiroolayaal aad ubadan oo dadka ku
sixra magaalooyinkeena iyo miyigeenaba sixiroolayaasha
intooda badanina  dad ayay xidhiidh la leeyihiin oo ay
wada shaqaystaan waxaana saaxiriintaa ugu daran oo
isagu si cadaawad fogi ku dheehantahay dadka sixirka
ugu xasuuqa ninka lagu magacaabo saaxir Laangadhe
oo degan xaafadda oktoobar ee magaalada Burco 
kaasoo dhowaan u cararay Dubay markii arrimaha
sixirka hadal hayntoodu badatay,waxana hadda lasoo
sheegayaa inuu dadka ku sixro imaaraatka carabta
Beryahan waxa uu ilaahay usoo diray dadkii dhibbanaa
ee uu saaxir Laangadhe sixray ,nin wadaad ah oo
hargaysa u yimi inuu caawiyo dadka reer Hargaysa ee
walaalihii ah ee ay dhibaateeyeen shayaadiinta iyo
jinniyada uu usoo adeegsaday saaxir laangadhe iyo
sixirroolayaasha kaleba.
waxaa haddaba walaalayaal wax lala yaabay oo lala
amakaagay noqotay markii ninkaa sheekha ah ee usoo
gurmaday dadkeenii dhibbanaa oo isaga laftiisu uu
qaraabo iyo xididba ku leeyahay Hargaysa iyo burcoba
ayaa dad reer hargaysa ahi wax ka sheegeen
oo isagii dadka loo tusiyay sidii nin dhib wada 
xaqiiqduna sidaa maaha .
Walaalayaal waxaa mudan in dadka loo iftiimiyo
oo muxaadarooyinka lagusoo qaato saaxirka
Laangadhe iyo kuwa la midka ah oo dadka laga
qabto ee waa nasiibdarro iyo war la,aan
in ninkii inna dabiibayey ee cadowga innooga
hiilinayey la fadeexadeeyo waa wax aan la
aqbali karin ee ilaahay halaga baqo oo dadka
ay saaxiriintaasu sixreen ee hargaysa iyo Burco
oo qudha 100,000 ka badan halloo furo xarumo
waaweyn oo culimadu degdeg hawgu gurmato
illayn ma kafayn karaayo sheekh sadcaal ku yimi
oo intuu todobaad qudha joogo ,iska noqonaya
oo todobaadkiina dadkuu dabiibayey kuwii u
indhaha iyo culimada ahaa ay toosh la daba galeen
inbadanbaa walaalayaal laynoo sheegayey in
dalka iyo dadka la sixray oo weliba si jamaaciya
loo sixray oo nolosheennaa iyo nabadgelyadeena
laynoo quudhi waayey oo weliba siyaasiyiintii
iyo ganacsatadii iyo mudantii dalka oo dumarka ubadan
qaarkood laynaga sixray , laakiin in laga hadlo
dadka intiisa badan ma jecla sixir iyo wax ku saabsan
laakiin soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 
" nimaan quus aqoon naftiisaa quusa"
ee waa taa ilaahay indhihiina wax tusay ee 
kumanaanka sixirka la qaylinaya ee daadanaya ee
la qabqabanayo aad liveka uwada daawateen garoomada
Hargaysa weliba in boqol laab ka badan ayaan soo bixin
oo meeshaa tegin ee haddii la odhan lahaa qofkasta oo
la sixroow soo bax ,wax laga anfariiro ayay indheheenu
arki lahaayeen , illaa sixirroolayaasha oo uu ugu
horreeyo Saaxir LAANGADHE oo laba xarumood oo
dadka lagu sixro ku leh Hargaysa iyo Burco la qabtona
dadka iyo dalku sidaasuu sixirka iyo dhibku ugu
soconayaa ilaa ilaahay nasri kale usoo dejiyo 
ama uu dadkuba dalka ka dhammaanayo ama ka
tahriibayo waayo waxa sixirada uu Laangadhe isticmaalo
ka mida nooc dadka lagu tahriibiyo oo dalka lagaga
saarayo waqti gaaban gudihiis sida laynoo sheegay marar
badan iyo noocyo sixir oo kaloo yaab leh oo badan.

 

abdulwaduud ali

· Posted by abdi on May 31 2017 1406 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired