Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Dawlada Siilaanyo Rakaab Xumaa!
Dawlada Siilaanyo Rakaab Xumaa!

Waad salaamantiin Akhristayaal. Salaan ka dib aan idinla qaybsado aaraahdayda ku waajahan xaalada Somaliland oo taabanaysa dhinacyo dhawr ah.


Sidaynu ka wada war qabno xukuumada Siilaanyo waxaa fashil siyaasadeed kasoo gaadhay doorasho-ku-sheegii ku shubashada ahaa ee dhawaan dhacay. Balse waxaa layaab leh, iyadoo dadka Somaliland weli la yaabsanyay boobkii dhacay ayay Xukuumada Siilaanyo durba ku talaabsatay faragelin hor leh oo ay ku maroorsanayso talada heer gobol ka dib markay faragelin qaawan ku samaysay habka ay golayaasha deegaanku u doortaan gudoomiyahooda.
Waxay qaylo iyo dhiilo ka yeedhaysaa dhamaan gobolada dalka, meelaha qaarna arintu waxaabay gaadhay gacan-ka-hadal iyo inay abuurto colaad.


Xukuumada Siilaanyo mudo ayaamo ah ayay ku minjaxaabisay nabadgelyadii iyo isku duubnidii qaranimo ee shacbiga. waxay xarago iyo faan ka dhigatay qabyaalad, eex, qaraabo-kiil, Qoqob iyo dir-sooc.


Arinta Berbera ka dhacday ayaa ugu qosol badnayd, Waxaanan aad ula yaabay in Marwada Madaxweynuhu ay Sabtidii bishu ahayd 15/12/2012 ay xarunta Madaxtooyada kula kulantay Maayorkii Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo ay waydiisatay in Beesha Madaxwaynaha laga dhigo Maayor ku xigeen. Taas oo uu Cabdalle-na ku gacan saydhay.
Waxaa igaga yaab badnaa in Marwada madaxweynuhu ay qasriga madaxtooyada iyada iyo xirsi kula shiraan maayor la doortay iyagoo u ololaynaaya QABIIL. Talow miyaanay ogayn madaxtooyadu ama Madaxweyne siilanyo inuu yahay Madaxweynihii Qaranka ee dadkoo dhami wada doortay.


Mid kale oo la yaable aan idiin sheegee, waxaa la yidhi ninkii Xamarji wuu aqbalay magacaabistii dib loogu magacaabay duqa ama Badhasaabka Hargeisa iyadoo naanays-xumada ku dhacday Xamarji ay keentay in maanta hudheelada marka aad ka dalbanayso nafar bariis ah la yidhaahdo "Nafar Xamarji ah"
Xamarji runtii saaxiibo badan ayuu ku waayay aqbalaada uu aqbalay magacaabistaa nasiib darona waxaa ka mid ah dadkaas dad ay aad isugu dhawaayeen, waxaana raacday naanays xun oo dhawaan uu ka qoomamoon doono.
Waxaa kale oo aan Maqlayaa Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Caraale Duur laftiisa shatigii ERIS-ku waa siduu Xirsi hadalka u dhigee waabu u go'anyay waxaana lagu bedelayaa Ismaaciil Faqash.....Ka Daroo Dibi Dhal...Alla Siilaanyo rakaab xumaa.


Waxaa taa igala yaab badan taloow Maxamed Caraale Duur oo godob badan ka galay shacabka isagoo dulmi ugu adeegaya xukuumada Siilaanyo, welibana la og yahay inuu isagu bixiyay amarkii lagu dhalinyaro ka tirsan ururka Xaqsoor oo mudahraadaysay oo gacan-ku-dhiig leh sida suuqa loogusoo daynaayo waqti xaaladu faraha ka baxday.
Laakiin warka Siilaanyo raac, Doqonada waa lagu shaqaysataa ka dibna waxaa lagu yidhaahdaa suuqa iska celi.


Hal yaroo dardaaran ah hadaan kaga baxo,
Shacbiga Somaliland waxaan odhan lahaa walaalayaa nabadgelyada aynu dhawro oo weliba aad ha looga illaalino Xukuumada Siilaanyo waayo iyadaa ah cadowga ugu wayn ee nabada iyo xasiloonida.
Siilaanyona waxaan odhan laa inaadeerow waxaad fashayba fashaye wa in faatakum, Bal xaasaska uun siyaasada yaan la soo gelin dhaqanka iyo hidaha Somaaliyeedna yaan meel lagaga dhicin.


Yassin Ismail
Kent. UK

· Posted by xaaji on December 24 2012 1200 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>