Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo ((3-Dhinaca Bulshada iyo Dhaqaalaha))
Dhibaatada Qurbajoogtu ku hayso Dalkii Hooyo ((3-Dhinaca Bulshada iyo Dhaqaalaha))

Assalamu aleykum, Salaan dhammaan Akhristayaasha iyo bahda warbaahinta iyo sida hufan ee aad u soo bandhigtaan xogwarranada iyo dhacdooyinka.
 
Waxaan kusoo jirney dhibaatooyin badan oo Qurbo-joogu ku hayaan Wadanka marka ay tagaan, sida dhinaca Akhlaaqda ama dhinaca Siyaasada, waxaanan ku tibaaxey iney Dadka qaarkii dhibtaasi ama sheegeen ama soo tabiyeen, waxaana xaqiiqa ah in aaney dhammaantood kuwada dhaqmin laakiin mar haddey dhibtu jirto in la sheego si looga wada hadlo ama looga digtoonaado ay lagama maarmaan tahay.
Markaan dib u fiiriyo Dadka ka xajiimoonaya in la sheego dhibaatooyinkan ama ay sida tooska ah u khuseyso, ma aha inaan magacooda farta ku fiiqey, waase waano guud oo Qofkii ku dhaca la doonayo inuu ka waantoobo, cidii ku sifowdana looga digo inuu ku sii socdo, waxaana ka mida:
3- Dhib badan oo aad ka dareemeyso Dalka gudihiisa marka ay yimaadaan Qurbo-joogu, khaasatan xilliga Xagaaga oo ay ku dhaqmaan qaar ka mid ahi, marka ay doonayaan iney guursadaan ama Inan(Gabdh) u fadhiistaan iney aad u qaaligareeyeen Meherkii, Guurkii, Arooska iyo kharashkiisa.
Talada in Ninka Ragga ahi dalkii Hooyo ka doonto Gabadh ama Inan uu guursado waa talo aad u fiican, suuq wanaagsanna u furey Hablaha Dalkii jooga, taas ama xigto ha u raaco ama garsho hore ama is barasho cusuba, laakiin waxa qaldan inuu ku degdego oo uu markiiba iska guursado, kaas oo intooda badani ku dhammaadaan fashalin, waayo sida uu ugu degdegey ee aanu uuga fiirsan ayaa keeneysa iney kusoo baxaan arrimo aanu fileyn oo ama loo sheego ama arko, sidaa daraadeed waxa an kula talin lahaa in layska hubsado Qofka debadda ka yimaada ee la guursanayo Akhlaadiisa, dhaqankiisa iyo Dadnimadkiisaba.
Marka Ninku Gabadhii u fadhiisto ee la bixinayo waxa la bixiyaa sida inoo caado ah Yaradkii iyo Gabaatigii, waxaana raaca meherkii, haddaba waxa meesha ku jira in laga qaado Qiimo badan, waayo kani Qurbaha ayuu ka yimid, laakiin lagama fikirin iney jiraan Ragg badan iyo Inamo badan oo aan awoodin iney bixiyaan kharashkaasi, marka ay gabdhihii arkeen kharashka saaxiibadood laga bixiyey ama ku baxay ay iyaguna sidaas oo kale damcaan in Ninka guursanayaa ka bixiyo, laakiin Ragga wadanka joogaa ma wada helayaan kharshkaasi, halkaas waxa ka yimid Sicir barar ku dhacay gabdhihii oo Ragga arrinkaas ka taliyaa aaney kuba fakirin Caqliga gaaban ee gabdhihii iyo Reerihii isku dayanayaan.
Arrinkaa waxa aad loo arkaa xiliga Qurbo-joogu wadanka u xagaa baxaan, oo aad dareemeyso in Qiimo badan kor u kaco, sida Guurka, Guryaha la kireysto oo kor u kaca, Baabuurta kirada ah, iwm.
Waxaan kula talin lahaa in aynaan eegin ineynu awoodno oo iska bixin karno, laakiin aynu eegno saameynta ay ku yeelaneyso dadka wadanka jooga oo qiimahaasu dhib u keenayo, ma aha kuwa khaaska ah ee qaadanaya qiimahaasi, hase yeeshee si guud oo culeys keenaya.
Arrinka sicir bararku waa Erey afka aad uugu sahlan, laakiin dhibta uu dhaqaalaaha ku keeno waa mid danyarta ama Dawladaha saboolka ah Afka u roga oo xataa nolosha ka saara, waayo maanta waxaad arkeysaa qiimaha Alaabtu marka uu kaco inaanu dib u soo noqon, xataa sababtii kor u kicisey haddey meesha ka baxdey, waayo? Ma haysano Dawlad koontroosha Qiimaha, ama Guddi u xilsaaran arrinkaasi, taasi waxay keeneysaa in Tujaartu sidey doonaan Bulshada ka yeelaan, halkan Wadama inala jaarka ahi Qiimo intaas ka yar ku nool yihiin, mararka qaarkii waxa la odhan karaa waa isha laga heley Dadweynaha oo aan kaba dhiidhiyey, kana wada tashan ee wixii loo sheego uun rumeysta.
Sicir bararka iyo qiimaha dusha laga saaro dhammaan Alaabta iyo waxa noloshu u baahan tahay, sida, Dabka oo aad u qaaliya, Biyaha oo aan xaafadaha qaarkood biyaba helin, loona dhaamiyo, Dhuxusha oo hadda qiimaheedu kor usii kacay, waxaaba ka daran dhammaan Raashinka la cuno oo ka qaalisey Yurub sida Bariiska, Baastada, Saliida, Caanaha Noocyadooda moodh-gareysan, Sharaabka iwm…..
Dalkii hooyo wuxuu u baahan yahay badbaadin, kolley Dadka debedda ka yimaadaa badankoodu wey awoodaan iney qiimahaasi iska bixiyaan muddada yar ee ay joogaan, waxayse su‘aashu tahay ma awoodaan kuwa qiimuhu ku kacayo ee aanu dib u soo noqoneyn?, sidaa awgeed waa ineynu aad uugu fakirnaa badbaadintaasi guud iyo ineynaan ka qayb-qaadan ugu yaraan dhibtaasi.
Qormadii aan ku tibaaxayey dhibaatada Qurbo-jooga halkaas ayaan ku hakinayaa, intii ay sida tooska ah u taabatey, ama guud ahaanba waxaan ka raali galinayaa inaaney u qaadan inaan Qof ahaan u jeedey waase si guud oo qofkii ku sifoobey dhaleecada qayb ka yahay.
Waxanse u gudbayaa- inshallaah- dhibaatada Qolqoljoogu ku hayo Qurbajooga iyo dalkaba.
 
Wuu socdaa…….
 
Sacad Subaan Ina Kaarshe cade
 
Subaan99@yahoo.de
 
 
Saad Subaan
subaan99@yahoo.de
079 374 15 12
076 331 76 73

· Posted by xaaji on February 05 2013 1316 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>