Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Dhalinyarada oo aan door firfircoon ku laheyn ka tashiga mustaqbalka Dalka.
Dhalinyarada oo aan door firfircoon ku laheyn ka tashiga mustaqbalka Dalka.

 
Dhalinyarada oo aan door firfircoon ku laheyn ka tashiga mustaqbalka Dalka

Maxaa   Qaldami    Kara    2015?        Qeybtii 2 aad

Inta badan waxa aynu aragnaa in arrin kasta oo yimaadda ama go’aan kasta oo la gaadho ay dad badani ka hor yimaadaan ama dhaliilaan. Marar badanna waxa ad arkeysaa in markasta inta diidan ama wax dhaliileysaa ay ka badantahay inta raacsan ama ogol. Mararka qaarkood waxa ad isweydiineysaa ma dadka talada loo dhiibo ayaa markasta ka aqoon iyo karti liita kuwa aan talada wax ku laheyn. Markaad u fiirsato, kuwan wax dhaliilayaa kama aqoon badna kamana waayo aragsana kuwan ay shaqadooda ama taladooda dhaliilayaan. Mararka qaarkood waxa ad arkeysaa in kuwa wax dhaliilayaa ay ahaayeen qaar iyaba wakhtiyo hore talada wax ka soo hayey oo iyaba taladooda la dhaliili jirey.

Haddaa tolow ma qofka aan mas’uuliyadi saarnen ayaa markasta wax dhaliila oo u macno eeg “Habar fadhida, lagdin wax uuga fudud”. Wey dhici kartaa in inta an kor ku sheegeyba ay wax ka jiraan, balse sababta uugu weyn ee dadka ay hawsha markaa la wado aan ku jirin ay wax u dhaliilaan waa ka qeyb qaadasho la’aanta talada iyo iyaga oo aan qeyb ka aheyn go’aanka. Ibnu aadamku sidiisaba uu ka soo horjeestaa ama uu ka shakiyaa go’aanka ka soo baxa talo aan laga qeyb gelin. Sideedaba markad aragto go’aan ama arrin la soo jeediyay, waxa adiga kuu muuqanayaa waa go’aankaa soo baxey uun. Dadkii talada intii la rogrogayey ka soo qeyb qaatey inta badan wey ku qancayaan wixii ka soo baxa, waayo waxa ay u soo joogeen doodihii, is qancintii, ra’yiyadii kala duwanaa ee la isweydaarsadey, isku xanaaqii iyo isu tanaasulkii intii la gorfeynayey arrinka. Intaasina waa inta ka maqan qofkan arrinka aan ku jirin ee wax dhaliilaya.

Wada hadalada u bilaabmey Soomaaliland  iyo Soomaaliya natiijada ka soo baxda saameynta ay yeelandoonto waxa si rasmi ah loo arkayaa 10 sanadood iyo wixii ka danbeeya. Markaasi ayaa si fiican loo kala garan bal in wixii go’aan la qaatey maanta iney sax ahaayeen iyo in kale. Toban sanadood dabadood, talada dalku waxa ay gacanta uugu jiri doontaa dad aan iminka wax talo ah laga weydiineyn talada mustaqbalka dalka ee maanta la wado.

Inaga taladdii umadda iyo ka talintii aayuhu waxa ay ku soo ururtay in yar oo kooban oo rag ah oo magaalooyinka u badan oo mucaarid iyo muxaafid u qeybsan. Taasi oo macneheedu yahay inaanay dumar, yar iyo weynba,  sida ay u dhanyihiinba talada dalka waxba ku laheyn iyo inaanu quf reer miyi ihi talo ka gaysan Karin. Waxa iyana meesha ka maqan 40 jir iyo wixii ka yar oo ah 75% mujtamaca dalka oo aan iyaga waxba la weydiineyn.

Dalinyarada iyo da’da dhexe ee maanta da’doodu tahay 20 illaa 40 jir, waa kuwa toban sanadood dabadood dalka ka talin doona, haddey yihiin siyaasiyiin, qaar dawladda wasiiro ka ah, profesorada jaamacadaha wax ka dhiga, madaxda hay’adaha iyo wakaaladaha iyo dadka ganacsiga hoggaamin doona. Shakhsiyaad koobaan mooyaane, dadka da’daa an sheegay ah waxba lagama weydiiyo talada dalka maanta. Marka an leeyahay talada dalka maaha oo keliya in dadku wasiiro wada noqdo ama ay hayaan mansab siyaasadeed, balse waxa la yeeli karaa in la sameeyo hab lagu dhageysto afkaarta iyo walaaca ay dhalinyaradu ka qabto mustaqbalka iyo bal haddii ay hayaan talooyin.

Wadamada qaarkood waxa la abuura baarlamaan dhalinyaro oo ka dooda talooyinna ka soo saara arrimaha mustaqbalka wadamadooda. Halka wadamada horumareyna ay jaamacadaha iyo macaahida tacliinta sare ay qeyb ka qaataan jaangooyada dalalkooda haddey noqoto dhaqaalaha, nabadgelyada iyo haddey noqoto siyaasadda. Wadamada qaarkood waxa jira ururo dhalin yaro oo xoog badan oo culeyskooda leh oo taladooda la dhageysto

Waxa muhiim ah in la abuuro habkii ay dhalinyaradu uuga qeyb qaadan laheyd talada dalka. Waxa muhiim ah in la dhiiri geliyo xoojinta ururada dhalinyarada ee dalka ka jira sida HAVAYOKO iyo SONYO iyo kuwa kale ee la midka ah. Waxa iyana muhiim ah in la dhiiri geliyo abuurista ururo cusub oo heer qaran iyo heer gobol ah, lana siiyo tababaro ku saabsan habkii ay uuga qeyb qaadan lahaayeen talada dalka laga soo bilaabo heer tuulo iyo degmo ilaa heer qaran. Waxa iyana muhiim ah in la maal geliyo jaamacadaha dalka manhajkoodana lagu daro barashada doodaha, shaqada bulshada (Community service) iyo iney ka doodaan arrimaha kolba taagan, si ay u soo baxaan dhalin diyaar u ah ka qeyb qaadashada hoggaanka dal oo aaney noqon “Buug Buug sita” oo woxoogaa duruus ah uun korka ka soo qeybey.

Warbaahinta maanta joogtaa waxa ay xoogeedu ka hadashaa arrimaha kolba taagan ee xasaasiga ah ee siyaasadda u badan oo ay ka doodaan ama ku murmaan dhowr boqol oo mucaarid ah iyo dhowr boqol oo muxaafid ah. Saxaafaddii ma siiso dhalinyaradii door muuqda oo ay kaga qeyb gataan dooda iyo wax ku biirnta arrimaha socda. Waxa muhiim ah in dhalinyarada la siiyo fursad ay warbaahinta iyo saxaafadda guud ahaanba kaga qeyb qaataan kolba wixii muhiim ah ee dalka ka socda.


Ciyaaraha kubadda marka qof la bedelayo kii bedeli lahaa ayaa cabbaar dibedda sii boodbooda oo jimicsi sameeya si uu markaa isaga oo diiran garoonka u galo marka uu kii uu bedeli lahaa ka soo baxo. Da’da maanta talada dalka heysaa waa ta u dhexeysa 50 illaa 70 jir, waxaana la hubaa in shanta illaa tobanka sanadood ee soo socda ay talada dalka badankeedu ku wareegi doonto da’da maanta 20 ilaa 40 jir u dhexeysa. Waxa muhiim ah in jiilka da’dan yari ay isasii diiriyaan si maalinta ay taladu gacanta soo gasho ay iyaga oo diyaar ah uula ordan. Haddii kale arrintu wey ku baahi illeyn wax badan ayaan ka maqan oo aan laga soo qeyb geline, markaasey canaan iyo habaar ku soo tuuri jiilkii ka horeeyey (oo ah kuwa maanta talada haya) iyaga oo ku canaanaya iney gaadheen talooyin qaldan oo sameyntoodii ay wax yeeshey mustaqbalkoodii.

 

· Posted by xaaji on February 24 2013 1454 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>