Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Dalku Waa 3 Kun oo Murmeysa iyo 5 Malyuun oo iyaga ka dhursugaya.
Dalku Waa 3 Kun oo Murmeysa iyo 5 Malyuun oo iyaga ka dhursugaya.

Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo ama xilhaya oo wasiiro ah, ama
golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya dawladda. Iyo kun
kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen dawladihii hore
iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama in
xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun sadexaad oo waxan uun ka
faaloonaya oo an anigu ku jiro. Saddexdaa kun oo intooda badani joogto
Hargeisa marka ad la noolaato ama dhageysato maba moodin iney jirto
umad kale oo hadhey oo la rabey in loo shaqeeyo. Kunkan dawladdu
xoogooda iyo wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay
iskaga caabiyi lahaayeen ee ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan
mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay shaqadoodu ku soo
ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu marmarka
qaarkii ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa
labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faaloonaa. Sadexdaa kun ee nin waxa
tala ka sugaya oo 5 malyuun oo shicib ah oo Ilaahey uun ogyahay
intooda habeenkii casho la’aan ku seexata.

Ibrahim Mohamoud Abyan (AHUN) ayaa beri la weydiiyey oo la yidhi horta
maxaa joornaalkan dawladda ee Xidigta Oktoobar xafiiskaaga loo keeni
waayey aroortii waata la geeyo xafiisyada kale e dawladda oo dhan e?
wuxu yidhi anigaa diiday oo idhi waxba ha ii keenina wakhtiga uunbey
iga qaadeysaaye. Waxa kaluu yidhi, Joornaalkuba aroorkasta waxa uu ka
sheekeynayaa 6 nin oo an jaar nahay oo labana dhooftey oo garoonka
lagu sii sagootiyey, iyo laba dalka ku soo noqotey oo garoonka lagu
soo dhaweeyey iyo laba kale oo siminaar ama shir meel ka furey.
Lixdaba waa wasiiro anu jaar nahay oo an maalin kasta is aragno. Ma
lixdan nin uunbaan kolba kii dhoofey iyo kii soo degey sheekadooda
hayaa miyaaney jirin dano kale oo umadda beylah ka ihi?

Bal hadda ka bax Hargeisa oo tag tuulada Ceel-Gaal oo xaga jabuuti
xigta ama haba fogaane kor u bax oo tuulooyinkan Hargeisa u dhow ee
Daba-Baargo iyo Cunaqabad gaadh, ama woqooyi u bax oo Dawga-Cad booqo.
Umadahaa dhulkaa ku nool oo dhan duruufo gaar ah ayaa heysta oo ay
kaala hadlayaan oo aan aheyn waxan magaalada lagu xiiqey. Duruufaha
iyo danaha heystaa sidaaba uuma weyna oo qaarkood taagtoodu waxa ay
taagantahay biyo la cabbo halka qaarna ka hadlayaan dawada kaneecada.
5ta malyuun ee shicibka ah ee dalkeena ku nooli intooda badani
dawladnimada wey niyeysteen oo wey aamineen sida aynu inaba diinteena
la inoo soo gaadhsiiyey ee aynu qaadaney, balse manaafacaad badan
kamey arag.

Marka ad magaalada joogto ee ad dhageysta xamasadda iyo waxa laga
doodayo, waxa ad arkeysaa in umaddiiba ku soo ururtay 3,000 oo fadhi
ku dirir ah iyo 5 malyuun oo shicib ah oo duruufi heysato oo toodii
cusleysey oo aan waxanba la socon. Labada wasiir ee xilka kula kala
wareegaya ee qaarkeen ka cadheysanyihiin sababta hebel loo bedeley,
halka qaarkeena ku faraxsanyihiin ka cusub ee la saarey iyo kuweenna
kale ee labadaa ka faaloonaya waxa ka maqan in dadka la rabo in loo
shaqeeyo aaney aheyn waxan an mashquulka ku nahay ee ay yihiin dad
kale oo taag yar oo aan awoodoodu gaadhsiin kareyn iney joornaal wax
ku soo qoraan ama TV ka hadlaan ama mudahraadaan oo cabashadooda
muujiyaan.

Annaga oo baabuur wadana goor habeenimo ah oo mareyna keyn cidlo ah oo
u dhow tuulada Xeydaanle ayaan aragney gabadh ilmo yar dhabarka ku
sidata oo ayda dhex mareysa. Baabuurkii ayaan joojinney oo an
weydiiney waxay xiligan meesha la mareyso. Waxa ay noo sheegtey iney
ku socoto reero meel dheer jira. Gabadhii ayaan soo qaadney waanan
wareysanney oon nidhi maxaa xiligan ku socodsiiyey. Waxa ay noo
sheegtey iney ninkeedii isasoo laayeen ka dib markii ay iyada iyo
sodohdeed is af dhaafeen. Waxa ay sodohdeen isku afdhaafeen in yar oo
biyo ah oo ay gabadho meel dheer ka keentey oo ay sodohdo malaha dhow
goor darsatey, oo markaa ay ku tidhi biyo ma heysano berkedihii wey
wada madahnyihiin intan yarna waxa an u heysanaa oo keliya in dhuunta
uun lagu qooyo ee biyaha noo madhxi. Sodohdiina wey ka xanaaqdey
ninkiina hooyaddii ayuu u hiiliyey, gabadhiina sidaasey reerkii kaga
soo duday.

Ragayaga baaburka wata nagama qasna oo waxa an wadanaa dhowr kartoon
oo biyo ah iyo shaqaab. Marka ad magaalada ka timid xaalkaagu sidaa
yahay wey kugu adkaaneysaa inad fahamto in reero dhan oo caruur iyo
sodoho lihi ay ku burburayaan daasad biyo ah awgeed, ama ay jiraan dad
aan meydhan bilo biyo la’aan awgeed ama ay jiraan dad u dhimanaya
xanuun fudu oo si sahlan loo daweyn karo haddii dawadiisii la hayo.
Waxa an aad uuga fikirey umadda dalka ku nool iyo duruufaha heysta ee
aan Ilaahey mooyee cid kale oo u gargaarta heysan, iyo inteena
bariisku u bisil yahay ee shaqada ka dhigtey “kaaley ila Muran”. Waxa
muhiim ah in la xuso in dawladnimada runta ihi ay tahay ta la rabo
iney u adeegto masaakiinta, inta jilicsan, iyo kuwa caasimadda ka
fog. Hargeisa waxa laga hadlayaa waa wadooyinka oo jajaban, xashiiskii
oo soo batey, bilicdii magaalada. Haddaad hawdka 30 kiloomitir uuga
baxdana waxa ad arkeysaa hablo yaryar oo caagad yar sita oo baabuurta
dhaafeysa biyo weydiisanayaa. Banka giriyaad iyo Cali Xeydh haddaad
martana waa la mid oo duruufo kuwaa la mida ayaa dadka heysta.

Waxa fiicnaan laheyn in 300 ee mumayaa ay bishiiba dhowr habeen tagaan
reerohooda, gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka oo ay dhow habeen la
soo noolaadaan iyaga oo la cunaya waxa adadku cunayo, oo meel la
seexanaya, la sheekeysanaya. Taasi waxa ay keeni laheyd xamaasad iyo
qiiro aynu ku ogaano in umad badan oo jilicsani wax inaga sugeyso iyo
ineynaan wakhtigeena ku dayicin hadal iyo muran ee an dadka wax u
qabanno.

Inteenan murmaysaa waa intii waa kuweenii nasiibka helay. Waa inteena
qootanyawmka heysata amaba soo heli karta ama soo shaxaadi karta.
Waana inteena 5 ta malyuun rajada ka qabto iney maalin uun ka saaraan
duruufaha iyo gaajada iyo jahliga. Maalinta la ina xisaabiyo ee la ina
yidhaa dedaalkii dib dhiska dalka bilaash xoogle yahow xageebaad ku
maqneyd? Maxaad ku jawaabeysaa? Ma waanigii hebel iyo xisbi hebel la
murmayey ayaan ku jawaabnaa. Ma hebel markii uu Hadley kii u jawaabey
ee caayay baan ahaa ayaan libin ka dhigana. Mise taariikhda ayaynu
geli oo waxa an ku doodnaa intaas oo kun oo caruur ah oo faqiir ah
ayaan jahliga ka saarey oo an siiyey hubkii ay gaajada kula dagaalami
lahaayeen. Ama intaas oo deegaan amaan biyo macaan oo nadiif ah u
qoday oo maanta harraadkii ka baxdey.

Saddexdeena kun ee nin ee murmayow, ogaada iney ina sugayaan 5 malyuun
oo rag iyo dumar ah oo Ilaahey mooyee aan cid kale u maqneyn oo if iyo
aakhiraba la inagula xisaabtami doono waxa an u qabanney.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

· Posted by xaaji on July 07 2013 944 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>