Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » Cadowgaaga Dhabta ah Garo.
Cadowgaaga Dhabta ah Garo.

Markii ay rabshaduhu ka socdeen waddanka Kosofo (Kosovo), sanadihii
sagaashanaadkii ayaa dawladaha waaweyn ee dunidu ka sameysteen
saldhigyo waddanka Albaaaniya (Albania). Saldhigyadaa waxa lagu
diyaariyey raashin, gogol iyo agabkii ay u baahan lahaayeen qaxootiga
la filayo iney ka soo qaxaan dalka Koosofo oo ka soo yaaci doona
dagaalka sii xoogeysanaya. Sidii diyaar garowgaa loogu jirey ee
caalamku iskugu diyaarinayey iney Albaaniya noqoto meesha lagu marti
gelin doono 2 malyuun oo qof oo Koosofo ka soo qaxa, ayaa Albaaniya
lafteedii burburtey oo dadkeedii qaxooti noqdeen. Waxa aan lagu
xisaabtamin in Albaaniya lafteeda ay heysteen dhibaatooyin badan oo
hoose oo siyaasadeed, shaqo la’aan iyo rajo xumo la soo gudboonaatey
dhalinyaradii. Waxa lagu mashquulsanaa uun intii hore dagaalka muuqda
ee Kosofo ka socda ee hoosba looma eegin dhibaatooyinka heystey
shicibka Albaaniya. Waxa meeshii ka dhacdey dadkii oo Albaaniya ka
qaxa, dagaal cusub oo ka bilaabma iyo dhibaato hor leh. Dibaatada uugu
weyn ee Albaaniya ka dhacdey waxa horseedey farsamo xumo ay dawladeedu
isku qufushey uun dhibaatada ka taagan Kosofo, balse aaney hoosba u
eegin in dhibaatooyin nooc kale ihi ay ka taagan yihiin dalka
gudihiisa, loona baahanyahay in hoos loo eego.

Sideedaba hoggaamintu kama soo hadho odoroska mustaqbalka iyo inu
qofka hogaamiyaha ihi karti u yeesho inu sii maleyn karo ama ogaan
karo waxa ku soo socda. Waxa maanta taagan waa wax soo bilaabmey
wakhti tegey oo an iminka arkeyno uun natiijadii. Waxa berri dhici
doona iyo xaaladda lagu sugnaan doonaana waa wax maanta bilaabmey ama
bilaabmaya. Haddii kartidaado la heer noqoto waxa markaa taagan, waxa
ay la macno tahey inaadan umad u horseedi karin barwaaqo iyo mustaqbal
wanaagsan.

Dibaatada u weyn ee Somaliland la soo gudboonaan karta maaha in
Muqdisho iyo koonfuri soo weerari doonaan oo ay dalka qabsan doonaan.
Mana aha in cid kale oo sadeexaadi ay xoog ku muquunin doonto. Dhibka
koowaad ee Soomaaliland ka hor iman doonaa waa mid ay abuurtey xaalad
iyo dhibaato mujtamac oo haddaan iminka laga hor tegin dhowr sanadood
dabadood qarxi doonta.


Hadaf umadi yeelato oo ay higsato waxa uugu muhiimsan HORUMAR ku
saleysan Cadaalad, Sinaan iyo Madaxbanaani. Horumarku waxa uu keenayaa
in dhaqaaluhu kor u kaco, nolosha mujtamucu wanaagsanato oo ay heer
sareeya gaadho, aqoonta, farsamada iyo tignoolojiyadu sarreyso,
caafimaadku wanaagsanaado, dadka wax soo saarkiisuna kor u kaco. Waxa
kale oo uu keenayaa in daku, gaar ahaan dhalinyaradu hesho shaqooyin u
qalma. Haddii horumar sareeya la gaadhi waayo, waxa badanaya jahliga,
dadka xanuunsanaya ayaa iyana kordhaya, shaqo la’aanta ayaa badaneysa
oo keeneysa in wax soosaarku yaraado, waxaana adkaaneysa inad dalkaaga
ka difaacdo gardaro ku timaadda maadaama itaalkaaga iyo
dhaqaalahaaguba hooseeyaan.

Haddii intaa an kor ku sheegey sax kuula muuqato, muxuu markaa yahay
cadowgaagu? Jawaabtu waa horumar la’aan la soo gudboonaato dalka iyo
ummadda oo ay keentay shaqo la’aan iyo awooddii dadka oo aaan laga
faa’iideysan, niyad jab jiilba jiil la dul fadhiisto iyo is nac.
Dawladaha ay xukumaan digtaatooriyiinta, gaar ahaan kuwii shuuciga
ahaa, ayaa waxa ay shacabkooda ku mashquulin jireen in cadawga umaddu
yahay isticmaarka iyo imbiriyaaladda (imperialism) iyo dhiigmiiratada
oo ay ka wadaan dadka lacagta leh. Shacabkii ayaa colaad loo gelin
jirey dawladaha hore u marey iyo dadka lacagta leh, oo looga dhigi
jirey iney iyagu mas’uul ka yihiin dib u dhaca ku yimid dalkooda iyo
nolol xumada. Dawaladaahaasi waxa ay meel kasta ka faafin jireen iney
dagaal kula jiraan isticmaarka, waxaaney caruurta iskuulada iyo iyo
shaqaalaha u akhriyiyaan khudbado ay ku abaabulayaan oo ay uugu
sheegayaan inay dagaal isu diyaariyaan. Waxaas oo borobagaanda ah waxa
ay uugu talo galeen iney dadka kaga indho tiraan in dhibaatada heysata
iyo horumar la’aanta ay uugu wacanyihiin dawladahan hore u marey iyo
dadka lacagta leh.

Waxa inta badan ad war baahinta ka maqleysaa iyada oo la leeyahay
cadowga Somaliland ayaa sida yeeley iyo cadowgii ayaa ka naxey iyo
cadowgii Somaliland ayaa sida fiinta uuga qeyliyey arrinkaas. Cadowgaa
la sheegayaa waxa looga jeedaa Soomaliya iyo dadkeeda iyo dawladeeda.
Dabcan, taariikh dheer ayaan jirta oo dagaal iyo dulmiba ku jiro oo
laga tirsanayo dawladdihii Soomaaliya ka jirey, waana ta keentey in
Soomaaliland ka tashato oo maamulkeeda sameysato dalkeedana dib u
dhisato. Xitaa marka dib loogu noqdo taariikhda, cadowgu muu aheyn
Somaliya iyo dadkeeda, manaha iney iyana yihiin dad xun inana dad
wanaagsan. Cadowga runta ihi wax uu ahaa talo xumo horseedey horumar
la'aan iyo burbur mujtamac, dhaqaalihii iyo xukunkii oo inaga wareega.
Haddii la rabo in laga hor tago si aaney mar danbe wixii la soo marey
mar kale u dhicin, waxa haboon in cadowga rasmiga ah laga hor tago oo
aan lagu jaha wareerin dhaleeceynta iyo ku mashquulka Somaliya oo
teedii heysato.

Hargeisa iyo Muqdisho waxa hor guuleysan doona labadii tii
dhaqaaleheedu sareeyo ee u horumarka ay sameyso uuga faa’iideysata in
dadkeeda gaar ahaan dhalin yarto shaqooyin hesho iyo adeegga bulshadu
kor u kaco. Maalinta Somaliland iyo Somaliya isasoo hor fadiistaan ee
wada hadal yimaado, waxa talin doona oo tiisa la maqli doonaa hadba
dhinicii dhaqaalaha badan, dhinaca dadkiisu aqoonta sareeyo, dhinaca
dhalinyartiisu baraarug sareeyaan ee ay ka qeyb qaadanayaan talada
dalkooda. Haddii dhalinyarta dalku ay shaqo la'yihiin oo aaney si mug
leh talada uuga qeyb qaadan, ama aaney heysan rajo wanaagsan oo ay
mustaqbalka ku higsadaan, wey adkaaneysa inad ka fisho in ay dalkooda
fadhiyaan oo horumarkiisa si buuxda uga qeyb qataan.


Inanka iyo inanta ka tahriibaya Burco iyo Boorama ee u badheedhaya
badaha waaweyn kama ordayaan weerar kaga iman doona xamar, balse waxa
la soo gudboonaatey shaqo la’aan iyo iyaga oo rumeysan in qurbaha ay
taalo nolol wanaagsan. Sidaa darteed, cadowga koowaad waa iyada oo mar
labaad dagnaan lagugu qabto adiga oo aan dhaqaalahaagii kor u qaadin,
adiga oo aan sameysan gaashan dhig adag oo ad umaddaada ku difaacdo
iyo adiga oo aan shaqo gelin malaayiinta dhalinyarada ah ee miyi iyo
magaalaba iska joogta ee jaha wareersan. Macno sameyn meyso colaad iyo
naceyb umad gasha oo u gasha umad kale. Waxa iyana nuqsaan ah inad la
tartanto qof kaa liitaa oo isaga laftiisu dulman, oo ad ku doodo inaga
ayaa koonfur ka fiican. Somaliland 20 sanadood oo Soomaaliya dhib iyo
dagaalo ku jirtey ayay dawlad laheyd.Faa’iido malaha inad la baratanto
qof gurguuranaya adiga oo 20 sanadood orod ku jirey. Tartanka waa inad
la gashaa qof qeyrkaa ah oo 22 jir ah. Maha inad 3 jir la tartanto.

· Posted by xaaji on August 22 2013 1231 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired