Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » BOOBOW AAWAY SHAXDI 27 MAY1988 BURCO.
BOOBOW AAWAY SHAXDI 27 MAY1988 BURCO.


Muj Boobe Yuusuf Ducaale ya beryahaan dambe mijilis soo dhigtay saxafada,
Isago ka hadalaya siyaasada xukumada Muj Axmed Siilanyo.
Boobe mudo badan oo Dalkan Somaliland ay ka jireen 
NIDAAMKA ASXAABTA BADAN, 
Weli lama arag boobe oo leh waxan KA MID AHAY XUSBIGAA,
Kolay anu maan arag. 
Waxa dalka Somaliland ka jira ninka doonaya in uu siyaasadeeyo,
wuxu ku biira XUSBIYADA QARANKA AMA TAGEERE YUU NOQDA.
WA HEESHIS QARAN WEYNAHA REER SOMALILAND DHIGTEEN.

MA JIRTO QOF ODHANAYA XUSBI MA TAGEERO, HADANA WAXAN 
KA HADLAYA SIYAASADA XUKUMADA IYO ARIMAHA DALKA, RUUX LEH 
"ANIGU SOMALILANDER BAN AHAY OO DHEXDHEXAD BAAN SIYASADA KA AHAY"
NINKA CAYNKAAS AH, KURSI UGAMA BANAANA DALKA.
SABABTOO AH HADI ANAAD MABD'A BA LAHEYN OO XUSBI BA TAGEERIN
DE KAMA HADLI KARTID LOOLANKA IYO XAMAASADAHA SIYASADEED.
HADAD SOMALILANDER TAHAY DE UMMADOO DHAN BA WA WADA SOMALILANDER.
HADAD WADANI TAHAY DE UMMADO DHAN BA WA WADA WADANI.
WAN ISKA HADLAYA OO SIYASADA WAN KA MADAX BANAANAHAY MA SOCONAYSO.
HADABA MUJ BOOBE YUUSUF DUCAALE MARKA HORE WAXAN KULA TALINAYA IN
UU KU BIIRO ASXAABTA SIYASADA EE DALKA KA JIRA,
OO UU CADEEYO NIDAAMKA SIYASADEED EE UU TAGEERSANYAHAY.
WAXA HOR YAALA OO UU KALA DOORANAYANA WA SADEXDA XUSBI.

1. KULMIYE= XUSBIGA AKHLAAQDA WANAAGSAN MIDNIMADA IYO HORUMARKA.
2. WADANI= GASHAANTIDA, SUB STATION KULMIYE. NO COMMENT.
3. UCID= ADIGUBA CAQLI  BAAD LEDAHAY, UCID KA CARAR.

MUJ BOOBE
YOU CAN PHONE A FRIEND.
GO 50 - 50.
ASK THE AUDIENCE. 
THE CHOICE IS YOURS.

QODOBKA KELE EE HORYALA MUJ BOOBE WUXU YAHAY,
WA TII AYNU SNM AHEYN, 
WA INAGII SO HALGANAY,
WA TII RAG IS ARKAY,
WA TII AYNU RAG KALA DIRNAY.
ANIGU KU ODHAN MAAYO,
(INTA BOOBE GAJAYSAN YAHAY, GUULI WA WELI)
KAFTANKI HALGAMAYAASHU WA HALKISA,
INKASTO AY SOMALIDU KU MAAHMAAHDO,
WAYEEL HADALKISA KAFTAN KU DHAMAYSAY.
SI KASTABA HA AHATEE QODOBKA AAN UU SOCDA WAX WEEYE.
MUJ BOOBE SNM NIN BA XIL BU KA HAYEYE.
ADIGU WAXAD QABILSANEYD RADIO-HALGAN 
WARFAAFINTA IYO WACYI GELINTA OO INTA BADAN LAGU AQOONSADAY.
MADAAMA ARINKU HALGANNEWS AMA DHARAARO YAHAY.
WAXA LAGA SUGAYA SAWIIRADI MUJAHIDINTA SNM IYO TARIKHAHOODA 
GAARKA AH IYO HALGANKOODI GAARKA AHAA IYO GUUD AHAANBA 
HALGANKI BALAADHAN EE SNM DALKA KU XORAYSAY.
TARIIKHDA UMMADAN OO WATA HEESO OO MAQAL IYO MUQAAL BA LEH.
OO QORAAL IYO WARAAYSIYO LEH YA LAGAGA FADHIA.
MAAH-MAAH BA TIDHADA. "RUUX KU AAMINAY WA RUUX KU FALAY"
RUUX UMMAD DHAN AAMINTAY KA WARAN AKHRISTOOW.

MUJ BOOBE YUSUF DUCAALE WAXA LAGU AAMINAY
QORALKA IYO SO URUURINTII TARIIKHDI SNM,
BOOBE WUXU UU ADEEGSADAY MACLUUMAADKA 
DHAN EE XAMBAARSAN NOLOOL MAALMEEDKI HALGANKOODA,
IN UU MARBA QORAL YAR OO CAMBARAYAN AH KUSO DHEX TUURO,
KELMAD KU SAABSAN SHIR-WEYNA-YAASHI SNM IYO HAWLGALADI SNM
IYO MUJAHIDIINTA SNM IYO DAREENKA KU GEDAANA, 
BOOBE OO KA HADALAYA SIYAASADA ARIMAHA DIBEEDA EE XUKUMADA 
MUJ SIILANYO YA KU MAAH-MAAHAYA KELMAD LAGA YIDHI JIIDA HORE
WAAGI SNM, ARINKAAS MAHA MID LOO DUL-QADAN KARO XALAALNA MAHA.
KEYDKA TARIIKHDI SNM BOOBE WU QARSADAY WUXUNA KULA KACAY.
BILILIQAYSE. FADHATAYSI, 
ARINTA UGU YAABKA BADAN WAXA KA MID AH.
GUDA GALKI DALKI EE 1988 BOOBE WUXU SO BANDHIGAY, 
GUDA GALKI HARGAYSA.
XORAYNTI BERBERA.

SHAXDI DALKA LAGU SOO GALAY SIDAY UU DHANTAHAY WU QARSADAY.
QORALADA KU SAABSAN GUDA GALKI DALKA EE 1988 WAXA
GEBI AHAAN BA KA MAQAN 27 MAY 1988 BURCO IYO WIXI BERBERA BARI KA XIGABA.
HALGANKI SNM WUXU AHA HALGAN SHACBI,
WUXU AHA HALGAN XAQ UU DIRIR.
UMMADU NAF IYO MAAL BA WAAY UU HUREEN.
NIN BA MEEL BU KU BEEGNA OO KA HAWL GALAY.
BAL KA WARAN HADI MARKI MUJ CABDILLAHI ASKAR (AHUN)
LA XIDHAY, HADAY TOBANKI MUJAHIID SUUQA ISKAGA JOOG JOOGI LAHEYEEN?
WUXU HADRAAWI KU YIDHI MAANSADI "SIRTA NOLOSHA"

NIN I SUGAYAYOW HEEDHE

ANIGOO KU SUGEY HEEDHE

MAXAAD II SUGTAA HEEDHE?

WAXAN UGA JEEDA BOOBE IN UU SOO BANDHIGO URUURINTA
DOCUMENT'S KA HALGANKA UMMADAN BAY AHEYD.
MAY DHICIN EE WU QARSADAY. 
WA TARIIKHDI UMMADAN OO BOOBE KU TAKRI FALAY, OO LUNSADAY.
HADU BUUG QORO OO YIDAHDO WA TARIIHDI SNM QAYB KA MID AH, 
ANU IIBSAAN MAYO, WAYO IN BOOBE KA TAAJIRO TARIIKH UMMADI LEEDAHAY
OO NAF IYO MAAL BA KU BURBUREEN WA XAARAN. 
BOOBE WUXU KU MASHQUULSANA MUSUQMAASUQ KA JIRAY 
WASARADA WARFAAFINTA, BOOBE HA LOO SHEEGO, 
QORALADA, MAQAL IYO MUQALADA IYO SAWIIRADA, 
IYO GUUD AHANBA TARIKHDA SO GASHAY RADIO-HALGAN EE SNM LAHEYD.
WAXA KU BAXDAY MAALKI UMMADAN, BAL BOOBE INTA UU TV IYO RADIO HARGAYSA 
KA WARAMAYO, HA KA WARAMO MUSUQMAASUQA 30-KA SANADOOD UU KU NOOLA.
WAXA LA ODHAN KARA BOOBE WA "LEACH" RUUX UMMADAN DHEEGEEDA JAQAYA. 

WAXAN KUSO GAABINAYA MUJ BOOBOOW SHACABKA SOMALILAND
WAXAY KA SUGAYAN HAWLGALKI IYO SHAXDI 27 MAY 1988 BURCO.
KA KAC TV-GAAN AAD FADHIDO EE DOQON MA WAAYE.
AMA SIDI GURIGI XABASHIGI GUREY LA ODHAN JIRAY EE JIG-JIGA 
EE AAD KU QAYILI JIRTAY ISKAGA RAAMSO.


NINKI MAALINTA KA SITA, EEN LAGA SAD QAADAYNIN.

 

· Posted by abdi on December 25 2013 1121 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>