Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Articles Hierarchy
Articles Home » Article » BAAQ DOOD CILMIYEED.
BAAQ DOOD CILMIYEED.

Taariikh: 25/12/2013
Tixraac:  SSE/Fr – b037          
BAAQ DOOD CILMIYEED

Dallada SSE dedaal iyo dhiiranaan ayay u arkaan dooda Cilmiyaysaan ee ay ku heshiiyeen saddexda Xisbi Qaran.
Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland waxa aanu ugu hambalyaynaynaa heshiiska iyo isla qaadashada qabashada dood Cilmiyeedka oo loo wada dhanyahay. Tani waxay meesha ka saaraysaa is-maandhaafkii siyaasadeed ee beryahanba la isku khilaafsanaa qabashada dooda Qaran.
Dallada SSE oo ay ka bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxay halkan mar labaad ku muujinayaan kuna bogaadinayaan dhammaan Saddexda xisbi oo kulano dhowr cisho socdey dabadeed ay si sharafi ku jirtey isla qaatay qabasho dood Cilmiyeed oo si dhex ah ay u farsamadiisa u daadihinayso Akadamiyada Nabadda Somaliland. Dallada SSE waxay baaqan idinkula qaybsanayaa dareenka togan iyo waxyaabaha aynu ka filayno qabashada dood Cilmiyeed oo wakhtiyaynteeda la dhowrayo. Dhinacyada ay khuseyso waxaanu u soo jeedinaynaa:
Axsaabta Qaranka
Ugu horreyn si diiran ayaanu u soo dhoweynaynaa go’aanka aad wada gaadheen, waana Ilaahay mahadii inaad soo jeedinta iyo aqbalka doodda Cilmiyeedka uu yahay fikir ka soo maaxay gudaha Somaliland ee aanu aheyn wax dibeda inagaga yimid, waxaanu qayb uun ka noqonayaa geedi socodka Somaliland iyo dedaalka loogu jiro ka midho dhalinta qaddiyada Somaliland. Saddexda xisbi Qaran walow ay isku waafaqeen fikirka qabashada dood Cilmiyeed, haddana waxa hubaal ah in loo baahanyahay dedaal dheeri ah oo ku wajahan sidii loogu hawl geli lahaa diyaarinta Ajanda habaysan oo sal iyo aasaas adag u noqda dooda Cilmiyeeysaan.
Waa hubaal in waxyaabaha inaga qabyada ahi ay tiro badanyihiin haddii ay tahay Doorashooyinka inagu soo fool leh oo weliba heerar kula duwan ah sida ta Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo ta Guurtidaba.
Qaddiyada Somaliland ka midho dhalinteeda iyo waxa inaga qabyada ah 22kii sanno ee u dambeeyay ayaa isna ah mawduuc aad u balaadhan. Runtii qoddobadan iyo kuwo kaleba waa hawl iyo waajibaad balaadhan oo saddexda Xisbi Qaran ay tahay in si daacad iyo xirfadi ku jirto loogu sii goggol xaadho si loo gaadho natiijooyin fiican oo ka soo baxa kulanka dood Cilmiyeed ka.
Saddexda Xisbi Qaran anaga oo dareensan sida ay gaadhka uga hayaan danta guud ee Somaliland ayaanu haddana ka rajaynaynaa inay soo bandhigaan doodo ku salaysan aqoon, waayo-aragnimo, xirfad, kala faa’iideysi iyo talooyin ku salaysan ka midho dhalinta himilooyinka ay Somaliland higsanayso. Dooddaha danta Qaran ayaanu saddexda xisbi Qaran ka rajaynaynaa inay la yimaadaan isu-tanaasul, is-tixgelin iyo is-dhageysi xataa haddii la galo qoddobo xasaasi ah oo u baahan wakhti. Mas’uuliyadda aad u qaadeen ummada Somaliland ayaa idinku waajibineysa in aan la sahlan karaamada iyo xushmada ay idinka mudanyihiin shicibka idin soo doortey ee qaaliga idinku ah. Haddii aad tihiin saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa aanu u aragnaa inaad mar kale tijaabinaysaan sida aad taabo galka iyo qaangaadhka ugu tihiin hanashada iyo kasbashada hawlaha siyaasiga ah ee aad wadaagaysaan, kaasoo aanu Ilaahay idiinka baryayno inaad ka soo baxdaan isla markaana aad si dhammaystiran u xaalaysaan arrimaha u baahan in is-fahan loo wada dhanyahay laga qaato. Wixii shaqo iyo hawl u baahana la isla qaato habka iyo qaabka wax-ka-qabashadooda loo waajahayo. Ugu dambeyn waxa aanu idinka filaynaa inaad dooda cilmiyyedka ku qaabili doontaan laab xaadhni, kalsooni iyo daacadnimo talo saarasho Alle weheliso.
 Akadamiyada Nabada Somaliland
Dallada SSE idinkuma hambalyaynayso in la idiin magacaabay fudeydinta iyo xidhiidhinta Dood Cilmiyeedka, balse Ilaahay ayaanu idiinka baryaynaa inuu idinku asturo mas’uuliyadda balaadhan ee dhabarkiina saaran. Saddexda xisbi Qaran ayaad dhex u tihiin oo weliba aad daadahaynaysaan doodo iyo mawaadiic xambaarsan qoddobo xasaasiya oo u baahan in la doorto dariiqyada iyo jidadka inagu hagaya halka isla fahanku ka dhowyahay. Waxa aanu filaynaa in Akadamiyadu ay xil dheeri ah iska saarto sidii dooda ka qayb galkeedu uu u matali lahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland si loo helo talooyin salka ku haya fikir guud oo loo wada dhanyahay.
Dallada SSE waxa ay ka rajaynaysaa Akadamiyada Nabada Somaliland oo ay ku tuhmayso in aanay cidna uga aqoon iyo waayo aragnimo badneyn maraaxisha iyo taariikhda ay Somaliland soo martey in intii karaankooda ah ay u diyaarin doonaan isla markaana u hagi doonaan doodaha Qaran iyagoo adeegsanaya xirfada iyo aqoonta u keydka ah. Wixii ka soo baxa doodaha Cilmiyeedka ayaanu sidoo kale filaynaa inay si saxar la’aana ula wadaagi doonaan dhinacyada ay khuseyso isla markaana ay u baahin doonaan si looga faa’iideysto.
Dallada SSE si fiican ayay u ogsoonyahay mas’uuliyadda miisaanka leh ee idin saaran laga bilaabo maalintii hawshan la idiin igmaday ilaa maalinta aad ka soo saaraysaan natiijada ka dhalata doodaha  iyo waxyaabaha la isku waafaqo ama lagu heshiiyo. Dedaal dheeri ah ayaa la idiinka baahanyahay, maadaama aad dhex u tihiin dood Cilmiyeedka oo aynu rajaynayno in maxsuulkeedu baal dahab ah uu ka galo nidaamka geedi socodka Somaliland. Ilaahay ayaan idiinka baryaynaa inuu caddaalada idinku sugo oo aad asiibtaan sida danta dalka iyo dadku ku jirto.

Golayaasha Xukuumadda
Dallada SSE waxay kula dardaarmayaan dhammaan Golayaasha xukuumadda gaar ahaan xukuumadda inay si dhexdhexaadnimo ah ku eegto dooda Cilmiyeedka oo la ixtiraamo mas’uuliyada la saaray Akadamiyada Nabada Somaliland. Xukuumadda gaar ahaan waxa aanu si sharafi ku jirto uga codsanaynaa in wixii looga baahdo ay si karaamo iyo xusmadi ku jirto uga soo baxaan, maadaama xil gaar ahi ka saarnyahay xukuumadda in wax kasta oo wanaag inagu hagaya ay hormood u noqdaan

Kaqayb galayaasha dooda Cilmiyeedka
Muwaadin kasta oo nasiib iyo fursad u hela dooda Cilmiyeedka waa ku waajib ilaalinta habsami socodka dooda iyo ixtiraamida ama ilaalinta taxanaha ama ajandaha loogu talo galay dooda Cilmiyeedka markay diyaar noqdaan.Dallada SSE waxay idin xasuusinaysaa in waxa laga doodayaa uu yahay dan guud oo Qaran oo si toosa iyo si dadbanba saameyn ugu leh noloshaada iyo ta ubadkaagaba. Waa mahuraan inaad talada aad dhiibanaysaa ay noqoto mid aad mabda’iyan aaminsantahay oo aanad cidna ku fogeynaynin. Dardaaranka Dallada SSE waa doodaada u meel day oo ku salee danta guud ee dalka iyo dadkaba.

Warbaahinta

Dallada SSE iyada oo dareensan kaalinta warbaahinta Somaliland iyo doorka ay ka ciyaari karaan dooda nocan ah ayaanu rajaynaynaa in warka iyo macluumaadka aad ka soo gudbinaysaan dood Cilmiyeedka uu noqdo mid salka ku haya xaqiiq iyo wax la hubo si aanay u dhicin in la fidiyo war hurin kara khilaaf iyo shaki carqalad iyo culeys ku noqda habsami socodka dooda.
Dallada SSE waxay idin xasuusinaysaa karaamada iyo xushmada aad ku leedihiin bulshada reer Somaliland oo waajibka idinka saarani uu yahay fidinta wax hubaal ah 100% isla markaana dooda Cilmiyeedka aad u aragtaan mid idinka laftiinu aad wax ku leedihiin.
Ugu dambeyn haddii aanu nahay Dallada SSE shaki nagama hayo inaad dhammaantiin danaynaysaan samaha iyo wanaaga Somaliland ee Ilaahay ayaynu ka baryaynaa towfiiq fiican, waanan rajaynaynaa haddii Ilaahay yidhaa inay ka soo bixi doonaan go’aamo gala taariikhda Somaliland iyo magacyo lagu xasuusan doono oo iyaga laftoodu sadkaa wax ku yeelan doona ee yaan la dhayalsan masiirka ummada.
 
Alle ayaa mahad leh,

Guddida fulinta SSE.

 

· Posted by xaaji on December 26 2013 1079 Reads · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired